Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Koonfur Galbeed Isku Soo Dhiibay

Reading Time: < 1 minute

Sarkaal Ka Tirsanaa Xarakadda Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ibraahim Maxamed Aadan ( Ibarhim Boolis), waxa uu Al-Shabaab u qaabilsanaa, Maaliyadda iyo sirdoonka Degmada Bardaale ee Goboka Baay.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay goobta lagu soo bandhigay sarkaalkaan ayaa sheegay in uu xiriiro lasoo sameeyay sidaasna lagu soo dhaweeyay.

Guddoomiyaha Degmada Bardaale Maxamed Isxaaq Araxas ayaa sheegay in maamulka uu soo dhaweynayo ragga kale ee Shabab ka Tirsan.

“Waxa uu xiriiro badan la soo sameyay maamulka kaddib isagaa go’aansadey in ka soo tego Al-Shabaab kadib markii uu u adkeysan waayay dhibaatada loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahan shacabka reer Koonfur Galbeed”ayuu yiri Guddoomiye Maxamed.