Sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland oo lagu dilay Gobolka Sool

Reading Time: < 1 minute

Taliye ka tirsan Booliiska Somaliland, ayaa lagu dilay degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegtay warbaahinta Somaliland. Taliyihii saldhiga Booliiska degmada Gar-adag laba xiddigle, Cabbaas Maxamed Diiriye, ayaa lagu dilay degaan u dhow degmada Gar-adag, sida warbaahintu ka soo xigatay goob-joogayaal.

Taliyaha la dilay ee Cabbaas ayaa lagu dilay degaanka God-hileey oo hoos taga degmada Gar-adag, inkastoo aan faahfaahin dheeriya laga helin sida dilkaas u dhacay. Warbaahinta qaarkood ayaa sheegay in taliyaha lagu dilay halkaas xilli uu hawlgal ciidan ku jiray.