Sarkaal ka tirsan booliiska Puntland oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Reading Time: < 1 minute

Sarkaal ka tirsan waaxda danbi baarista C.I.D-da Puntland ayaa xalay lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo kadib qarax loogu xiray gaarigiisa.

Sarkaalkan oo magaciisu yahay Gaandi Boonbale ayaa sida la sheegayo qaraxa lagula eegtay isgoyska Buula-dooro ee waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale islamarkaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Laamaha amniga Puntland weli kama hadlin dhacdadaas sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.