Sargaal ka Tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal qorshaysnaa waxa ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha hoose, waxaana howlgalka lagu soo qabtay Sarkaal ka tirsan Dagaalyahanadda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay hay’adaha amaanka Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid guuleystay oo Sarkaalka lagu soo qabtay.

“Howlgalka oo dhacay habeenimadii 26- march ee Bishan  ayaa ka dhacay deegaanka jambaluul ka dib markii ciidamadu hareereeyeen goobtii uu joogay Sarkaalka,majirto wax khasaare ah oo kasoo gaaray shacabka iyo Ciidamada Qaranka hawlgalka lagu qabtay sarkaalka.

“Waa talaabo kale oo loo qaaday dhanka baadbaadada shacabka laguna kala dhantaalayo dambiilayaasha  ku mashquulsan waxyeelada Shacabka soomaaliyeed”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.