Sarakiil sare oo ka tirsan ururka Axmaraada ee Baldera oo la xiray

Reading Time: < 1 minute
Sarakiil Sare Katirsan Ururka Baldera oo Xabsiga La Dhigay

Wararka ka imaanya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in  Ciidamada Fedaralka Itoobiya xireen sarakiil sare katirsan ururka Axmaraada ee Baldera sida ay sheegeen qaar kamid ah masuuliyiinta ururka. Dadka la Xir xiray ay gaarayaan illaa 67 ruux, kuwaas oo isugu jira sarakiil sare iyo xubno ka tirsan ururka Baldera.

Boliska dalka iyo Xafiiska Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed  ayaan wali waxa  faahfaahin ka soo saarin Siyaasiyiinta Amxaaradda ee lagu xiray Addis Abeba.

Weerarkii  ka dhacay magaalada Bahir Dar ee Is-maamulka Amxaarada ayaa lagu diley Madaxweynihii Is-maamulkaas sidoo kale waxaa magaalada Addis Ababa lagu diley taliyihii guud ee ciidamada Dowlada Ethiopia.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed oo shacabka kala hadlay warbaahinta Itoobiya ayaa cambaareeyay falkaas isku dayga Afgambi,isagoona ugu baaqay Ciidanka Itoobiya iney Difaacdaan dalkooda.

Xariga Dadkaan ayaa la sheegay inuu la xariiro Afgambigii fashilmay oo Sabtiiga ka dhacay caasimada Gumaysiga Itoobiya ee magalaada Addis Ababa.