Sarakac Xoogan oo laga Dareemaayo Qiimaha Hubka Fudud Ee Muqdisho Lagu Iibiyo Sida AK-47-ka iyo Bastooladaha!!

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho waxaa ay soo marti gelisay Dagaalo wajiyo badan leh waxaana lagu garaacay hub walbo xitaa kuwa Ka caagan Goobaha rayidka ayaa lagu Tijaabiyay,waxaadna had moodaa in saasaan Colaad jirto.

Waxyaabaha Lagu garto in saan-saan Colaadeed jirto waxaa ka mid ah in Hubka qiimahiisu kor u kaco,hada magaalada muqdisho waxaa aad looga hadal haayaa sababta qiimaha Hubka kordhisay.

Qoriga AK-47-Ka ah ayaa waxaa lagusoo waramayaa in Qiimahiisu oo kor u kacay Lacag-gaareeysa 500$ taasi oo lagu sababeeyay in beelaha qaar hub aruur-wadaan kuwaasi oo qoloba dan u iibsaneeyso,qaarkood ayaa hubka u gadanaya sidii ay Al-shabaab ula dagaalami lahaayeen.

MUQDISHO ONLINE ayaa sidoo kale Ogaatay in sababta Qiimaha Hubka Kordhisay ay qeeyb ka tahay Dowlada oo Askar ay tababarka soo siiyay qaarkood ku amartay in ay soo iibsadaan Hub,arintaan oo noqotay mid aad loola yaabay,ceebna ku ah Dowlada.

Hadal-heeynta ugu badan ee Goobaha Lagu kulmo ayaa waayadaan aheed arinkaani waxaana La arkayaa Askar lasoo tababaray oo aan hub la siin iyagoo naftooda Difaacaya ayeey suuqyada hubka ka iibsanayaan.

Mid ka mid ah Askartaasi ayaa MUQDISHO ONLINE u sheegay’’Danta ayaa nagu qasbeeyso inaan gadano qaryo maxaa yeelay dhar iyo ID-card ayaa nala siiyay shabaabna waa na ogyahay’’

Tan iyo markii ay curatay Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa soo baxay waxyaabo badan oo aad loo yaabay