Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu jiro weerar ay si wadajir ah uqaadeen Ciidanka xooga dalka oo taageero ka heleyy kuwo Mareykan ah oo ka dhacay deegaano kamid ah Gedo.
Wararka waxa ay sheegayaan in weerarka ugu xoogan uu ka dhacay Tuuloyinka kala ah Caanoole, Barrow Diinle, Daahir Malin iyo Cali Xareed oo dhamaantood saldhigyo ay ku lahaayeen Shabaab, waxaana saraakiisha Gobolka soo Sheegayaan in tuulada Caanoole lagu dilay laba sarkaal iyo Dagaalyahano tiradooda ay ka badan tahay Labaatan.
Janaraal Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa oo ka hadlay Weerarkan ayaa sheegay labada sarkaal ee la dilay in lagu kala magacaabi jiray Cabdulaahi Macalin Geeddow iyo Mahad Cabdi Kariin.
Waxa uu sheegay in C/laahi Macalin Geeddow uu ahaa sarkaalka Shabaab ee degaanka Barrow Diinle Iyadoo Mahad C/kariinna uu ahaa sarkaalka Shabaab ee degaanka Caanoole.
Janaraal Saxardiid ayaa dhinaca kale sheegay in dhamaan tuulooyinka ay weerareen oo hada ay Gacanta ku hayaan Ciidanka Xooga dalka ay horay ujoogi Jireen Al-Shabaab, Shacabka ay soo arkeen ayuu tilmaamay iney dhibaatooyin xoogan kala kulmi Jireen dagaalamayaasha Shabaab.
Si Kastaba, Al-Shabaab ayaan wali ka hadal Guulaha uu sheeganayo Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xooga alka Janaraal Ismaaciil Saxardiid, Mana Jirto ilo ka Madaxbanaan Jananka oo xaqiijin kara Sheegashadiisa.