Saraakiisha ciidanka oo diiday kulanka gudigii Rooble u magacaabay barista dhacdadii 27 Disember

Reading Time: < 1 minute

Gudigii uu Ra’iisal Wasaare Rooble u magacabaay inay baaraan dhacdadii 27ka bisha Disember ka dhacday madaxtooyada ayaa la kala diray ka dib markii ay ku guuldareysteen inay la kulmaan wareysina ka qadaan saraakiishii qaybta ka ahayd dhacdadii ka dhacday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Ka dib markii ciidanku diideen inay la kulmaan gudiga ayaa waxa waraaq codsi ah qoray Wasiirka Gaashandhiga isaga oo ka codsaday  Taliyaha Ciidanka in ay saraakiisha ciidanka ee qaybta ka ahaa khalalaasaha ay iska soo xaadiriyaan Wasaaradda Warfaafinta si loo wareysto.

Taliyaha Ciidanka Sareeye Gaas Odowaa ayaa dhagaha ka fureystay qoraalka uu soo diray Wasiirka Gaashaandhiga. Qorshaha RW Rooble ayaa ahayd in uu warbixin ku saabsan baaritiaankaas hordhigo Golaha Wasiirada laakiin waxa ay hada u muuqataa in gabai ahaanba uu ka tanaasuli doono baaritaanka uu horay ugu dhawaaqay.

Arintaan ayaa waxa ay muujinaysaa in hogaanka Ciidanka iyo amniga dalka uu gacanta ugu jiro madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday.