Saraakiisha Ciidamadda Xoogga Ee Gobolka Gedo oo Go’aan adag ka qaatay Awood-sheegashada Maamulka Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee gobolka gedo ayaa waxa ay ka dhawaajiyeen ineysan joojin doonin dagaalada ay ku doonayaan Iney al shabaab kaga xoreeyaan deegaanada jubooyinka iyagoo intaasi ku daray ineysan dhageysan doonin hadalada madaxweynaha maamulka jubbaland axmed madoowe

Hadalka saraakiisha ciidamada xoogga ayaa imaanaya xilli madaxweynaha maamulka jubbaland axmed islaam axmed madoowe uu sheegay in la hakiyay dadaaladii lagu doonayay in kooxda al shabaab looga xoreeyo deegaanada jubooyinka

Saraakiishan kazoo hor jeestay hadalka amed madowe ayaa sheegay inloo baahanyahay in shacabka soomaaliyeed laga dulqaado kooxaha dhibaateynaya ee al shabaab waxayna dowladda ugu baaqeen in la iska kaa shado sidii al shabaab looga xoreyn lahaa dalka.

Madaxweynaha jubbaland ayaa eedeymo kala kulmaya bulshada kasooo jeeda jubbaland wallow siyaasiyiinta kazoo jeeda deegaanadaasi ay sheegeen in wali axmed madoowe uu aaminsan yahay fikirkii qaldanaa ee ahaa baabi’inta dalka iyo dadka soomaaliyeed

Sikastaba ha ahaatee lama oga sababta axmed madoowe ku qasabtay inuu joojiyo dagaalkii al shabaab ee jubooyinka xilli deegaano badan oo ka tirsan jubooyinka ay gacanta ugu jiraaan kooxda al shabaab