Saraakiisha Ciidaanka Milatariga oo Saadaq joon ku eedeeyay xiisaha u dhaxeeysa Iyaga iyo Booliska (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dilal iyo dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan dowlada gaar ahaan kuwa boolis iyo Milatari ah,waxaana dagaalkaasi uu dhaliyay qasaaro nafeed.

Sargaal lagu magacaabo Khadar daahir oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq joon uu sabab u yahay waxyaabaha dhacaya ee foosha xun sida uu yiri.

”Saadaq joon ayaa abaabulaya dagaal qorsheeysan oo aar-gudasho ah,hadiisa uusan ka joogsan asiga ayaa ku baxaya oo qoorta ayaa laga gooynaa” Sidaasi waxaa yiri Khadar.

Dad badan ayaa aaminsan in Saadaq joon oo yahay Masiibo loosoo diray gobolka Banaadir islamarkaana ay suura-gal tahay in uu ka dhaliyo colaad xoogan,