Saraakiisha Amanka Mamulka Somaliland oo Ka Hadlay Xariga Agasimaha Tvga Universal ee Somaliland&Sababta Lo Xiray

Reading Time: < 1 minute

Saraakiisha Ciidamada Somaliland ayaa markii uhoreysay ka hadlay Xariga ay ugeysteen Agaasimaha TV-ga Universal Xafiiskiisa Somaliland Maxamed Caabdi Digaale.

Digaale oo xalay ku hoyday Xabsiga, ayaa loo soo xiray war ka baxay Tvga oo ku saabsanaa Dagaal laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka Dararweyne, Degmada Ceel AFweyn ee Gobolka Sanaag oo ka dhashay Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sareeye Guuto C/raxmaan Liibaan Fooxle, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Warbaahinta Hargeysa ugu sheegay iney Maxkamad horgeynayaan Agaasimaha Tv-ga Universal Xafiiskiisa Somaliland Maxamed Caabdi Digaale, Waxna laga weydiin doono eedaha loo soo jeediyay.

Waxa uu Taliyaha shaaciyay ineysan sharci eheyn in Warbaahinta ay ka hadasho arimaha Ciidanka iyadoo aan lagala hadal Laamaha amniga.
Xabsiyada Somaliland, waxaa ku jira dad badan oo ay soo xireen Ciidanka Somaliland, Dadka uxiran Somalialnd waxaa kamid ah laba Abwaan oo loo heysto aragtiyadooda oo ay ku cabireen Baraha Bulshada.