Shir shalay ku dhex maray magalaada Dhuusamareeb Madaxada xukuummada Galmudug Shiikh Maxmed Shaakir iyo Taliska ciidamada Ahluusnna ee horay loogu biiriyay Ciidamada dowladda Soomaaliya ee kuna sugan Magalada Dhuusamareeb ayaa huga digay inay ka baxdo heshiiskii ay la gashay Madaxda Ahlusunna.
Saraakiishaan oo dareemaya in dowlada Fedaraalka balanta uga baxday ayaa sheegay in dowladda dhexe u muuqato mid ka caga jiidaysa fulinta heshiiskii ay la galeen maamulka Ahlusuna iyo Galmudug.
Dhanka kale saraakiisha waxa ay ku hanjabeen inaysan ka amar qaadan doonin dowladda federalka ah ee Soomaaliya haddii ay ka baxdo heshiiskii Dhuusamareeb ayna qaadan doonaan awaamiirta madaxda Ahlusuna.