Saraakiil Sare oo Ka Tirsan Ciidanka Somaliland oo Ku Geeriyoday Shil Ka Dhacay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Deganadda Maamulka Somaliland aya shegaya in Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ay ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay duleedka tuulada Xamaas ee u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.

Shilkaan ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceyn gaariga ay la socdeen saraakiishaan iyo gaari kale oo ay leedahay shirkada socdaalka ee Soomaaliland.

Sida ay tilmaamayaa wararka soo baxaya waxaa jira dhaawac badan oo qaar kood aad u liita.

Mas`uuliyiinta Soomaaliland ayaa wali ka hadlin shilkaan gaari oo ay ku geeriyoodeen saraakiil ka mida ciidanka ilaalada xeebaha ee Somaliland.

Dhawanahan Waxa sii kordhaya shilalka ka dhacaya deeganada Maamulka Somaliland iyado bilihii u danbeyay ay gawaarida Shilalka ku dhaca ay sii kordhayaan.