Saraakiil sare oo ka socda dalka Itoobiya oo maanta Muqadishu imaanaya! Waa maxay ujeedada safarkooda?

Waxaa maanta la filayaa in ay ka soo gaaraan magaalada Muqadishu saraakiil  sare oo ka socoto taliska ciidanka Itoobiya, saraakiishaan ayaa waxa hogaminaya madaxa howlgalka Ciidanka Itoobiya, waxaa safarkaan soo abaabulay taliyaha ciidanka dalka itooboya General Se’are Mekonnen.

Safarkan oo aan horay loo shaacin ayaa waxa uu daba socdaa safarkii uu Farmaajo ku tagay magalada Addis Ababa horaantii bishaan. Kulankii uu la soo yeeshay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmad ayaa waxa looga hadlay in loo soo diro Soomaaliya ciidan qaasa oo fuliya howlgalo u gaara MW Farmaajo.

Farmaajo ayaa in mudo ah ku haminaayay in uu helo ciidan u qabta degaanada Dhuusamareeb iyo Kismaanyo si uu halkaas ugu qabto doorashooyin uu ku soo caleemo saarto hogaan isaga ka dab qaata.

Saraakiishaan Itoobiyaan ah  ayaa jiifan doono  guryo ku yaala safaarada Itoobiya dhexdeeda taas oo u saamaxaysa in ay  si fudud isla markaana qarsoodi ah u arkaan Madaxweyne Farmaajo.

Advertisements