Saraakiil Qatar u dhashay oo Ku Goodiyay in ay sii Wadayaan Qaraxyadda Muqdisho Ilaa ay!!!

Reading Time: < 1 minute

Sarkaal Qatar u dhashay ayaa ku hanjabay in qaraxyada Soomaaliya aanney joogsan doonin sida ay daabaceen jaraa’idka Carabta.

Mid ka mida taageerayaasha boqorka Qatar ayaa ku hanjabay in qaraxyada Soomaaliya ay socon doonaan, isla markaaana aysan joogsan doonin.

Qof la sheegay in uu ka mid yahay tageerayaasha ugu dhow boqorka Qatar ayaa soo dhigay bartiisa twitter-ka.

“Majoogsanaayaan qaraxyada Soomaaliya ilaa Soomaalia ay ka ceyrinaayaan safiirka Imaaraadka”.

dadka siyaasadda falanqeeya ayaa tilmaamaya in hadalka qofka Qatariga ah oo la sheegay inuu sarkaal yahay uu ka dhiganyahay hanjabaad dowladda Qatar ay si toos ah ugu direyso Soomaaliya, taasi oo ka turjumeysa sida dowladda Qatar ay ugu lug leedahay qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

Qatar ayaa la rumeysanyahay inay taageero buuxdo siiso kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalanta Soomaaliya.