Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kooxo hubeysan oo xalay gudaha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ku dishay laba ruux oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidanka nabadsugida dowladda Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Dilkan uu ka dhacay agagaarka Saldhig Degmada Shibis,isla markaana waxaa labada Askari u geystay rag dhalinyaro oo watay Bastoolado,iyagoo falka dib halkaas ka baxsaday.
Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa si deg deg ah u gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska,isla markaana halkaas ka soo qaaday Meydka labada Askari ee ka tirsanaa Ciidanka nabadsugida dowladda.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkaas,iyagoo sheegay inay dileen Saraakiil ka tirsan Ciidanka nabadsugida dowladda,isla markaana ay horey usii qaateen Bastoolado ay wateen.