Saraakiil Katirsan Hay’adda Nabadsugida Qaranka Oo Weli Ku Xiran Magaalada Beledweyne

Reading Time: < 1 minute

Saldhigga magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ku xiran saraakiil ka tirsan Nabad sugidda, waxaana ammarka lagu xirey bixiyey guddoomiyaha cusub ee gobolkaasi Yuusuf Dabageed.

Saraakiishan xiran ayaa kala ah taliyahii Nabad sugidda Hiiraan iyo sidoo kale kan B/weyne.

Sababta ugu weyn ee loo xirey ayaa lagu sheegay in ay diideen xilka iney wareejiyaan kadib markii dhowaan uu xilka ka qaaday  madaxweyne Waare.

Dhanka kale, xiriir aynu la sameennay mas’uuliyiin sare oo maamulka Hiiraan ah ayaa ka gaabsaday in arrintan a faah faahin dheeraad ah naga siiyaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!