Saraakiil ka Tirsan Dowlada oo la Xaqiijiyay in ay Gacan-saar la leeyihiin Al-shabaab

Reading Time: < 1 minute

Wasiiru dowlihii hore ee Maaliyadda Somalia ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa kamid ahaa mudanayaasha dhaliilaha amni usoo jeediyay dowlada Somalia, waxa uuna tilmaamay in lagu fashilmay amniga.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in amnidarada dalka ka jirta ay sabab u tahay hubka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka helan dowladda.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu tilmaamay inay garanayaan shaqsiyaadka sida gaarka ah Hubka dowlada ula wadaaga Al-Shabaab, hase yeeshee waxa uu ku celcelshay in amniga Somalia, gaar ahaan kan Muqdisho uu kasii liidan doono inta uu hadda yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Dowlada Somalia ayuu sheegay inay ka doonayaan in banaanka ay soo dhigaan shaqsiyaadka Hubka Qaranka la wadaaga Al-Shabaab, isagoo cod dheer ku sheegay inaysan ka ganban doonin xaqiiqda.

Sidoo kale, Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dowlada ay kula xisaabtami doonaan askari waliba oo sababsada daryeel la’aan iyo saanad xumi kasoo foodsaarta dhanka dowlada, isagoo ka digay in la dhaliilsado qeyla dhaanta Xildhibaanada