Saraakiil ka Tirsan Ciidamadda Xoogga oo kasoo Baxay Fariimo ay joogeen(Ogoow Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Fariisimo dhowr ah oo ayku sugnaayeen ciidamada xoogga dalka ayaa haatan ah kuwa faaruq ah maadaamada ciidamadii halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen iyagoo ka cabanaya iney ka go’day saadkii ayku dagaalami lahaayeen.

Sida iska cad marwaliba waxaa laga dhawaajiyaa in dowladaha caalamka ee caawiya soomaliya iney bixiyaan deeqaha loogu talagalay In lagu bixiyo sahayda ciidamada iney lunsadeen masuuliyiinta ciidamada maamusha sidaas darteedna amaanka dalka uu faraha kaga baxayo

Dowladda uu horkaco madaxweyne farmajo ayaa horay ugu dhawaaqday dagaalka dhan ah kooxda al shabaab balse aan weli wax dagaal ah lagalin taasi ayaana loo sababeeynayaa iney tahay sahay la’aanta heysata ciidamada.

Sikastaba ha ahaatee maahan markii  ugu horeysay oo ay ciidamada xoogga dalka isaga baxaan fariimo ay kula dagaalamayaan al shabaab iyagoo difaacaya dalka iyo dadka soomaaliyeed.