Saraakiil ka goostay Korneyl Caarre oo Soomaaliland isku dhiibay !!

Reading Time: < 1 minute

Wararka aan ka heleeyno  Magaalada Hargeeysa ee xarunta soomaaliland ayaa sheegaya in ay gaareen saraakiil ka goostay jabhada kasoo horjeedo.

Saraakiishan soo gosatay ayaa waxa gobolka Sanaag kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalim Tiinbaro iyo Taliyaha qeybta saddexad ee Ciidanka qaranka ee G/Sanaag Gaashanle sarre Faysal Cabdi Bootaan.

Saraakiishan kasoo goosatay Korneyl Caarre ayaa waxay tiradoodu aheyd 2-sarkaal kuwaasi oo lagu kala magacaabo Gaashaanle dhexe Cali Cabdale Saalax iyo Gaashaanle Maxamuud Cabdi Bile.

Saraakiishan ayaa hore uga tirsanaa ciidamada Somaliland, kuwaasi oo kamid noqday markii dambe jabhad uu hogaamiyo Korneyl Caarre oo ka goosatay Somaliland, Haddase dib bey ugu soo laabteen Ciidamadoodi ay hore uga tirsanayeen ee Somaliland.

Saraakiishan ayaa Waxay sheegen inay dib ugu soo laabteen dalkooga, kuwaasi ka dhawaajiyey inay sahan ku tageen jabhadaasi oo ay hadda ka keenen xog dhameystiran.