Saraakiil iyo dhalinyaro beesha Ceyr oo ciidan loo qorayo oo ku sii qulqulaya Dhuusamareeb? Maxaa is badalay? (Xog)

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo Xasan Kheyre sheegay in uu diiwan galinayo  ciidamadii ka tirsnaa kooxda Al Sunna ayaa waxa kooxda Al Sunna waxaa la soo darsay culays  hor leh kaas oo salka ku haya tirada ciidamada ay doonayaan in loo siiyo mushaarka , hubkana ka yimid Qatar-na lagu wareejiyo.

Ciidanka Al Sunna oo boqolkiiba 90% ka soo jeeda beesha Ceyr, gaar ahaan beelo gaar ah oo ka tirsan beesha Ceyr ayaa waxa laga waayay degaankaas tirada ciidan oo sheegatay kooxda AL Sunna Arintaan ayaaana khilaaf ka dhex dhalisay Xasan Kheyre iyo Macalin Maxamuud.

Macalin Maxamuud ayaa ku doodayo in ciidanka Al Sunna uu gaarayo kumaanan halka ciidanka ku sugan Dhucusamareeb uu ka yaryaahay 400 oo ciidan.

Wadahadal dheer ka dib ayaa waxaa loo ogolaaday in beesha Ceyr  (Al Sunna) in ay qaadato dhowr asbuuc oo ay ku soo aruurinayso ciidamo ay sheegteen in ay kaga maqan yihiin magaalada Muqadishu iyo deegaano kale. Shiikh Shaakir ayaa isaga oo adeegsanayo oday-dhaqameedka beesha Ceyr waxa uu ka codsaday in la soo ururiye dhamaan saraakiishii hore iyo kuwa  buulka ay ka dhigtay dowlada Farmaajo loona soo diro magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada sida dhaqsaha  looga rabo beesha Ceyr ayaa lagu kala qoray beelaha ay ka kooban tahay beesha Ceyr kuwaas oo lagu dhiirigaliyay in diyaaraad laga  soo saaro Muqadishu loona soo diro magaalada Dhuusamareeb.

Dadka laga soo xulay beeshs Ceyr  ayaa loo sheegay in laga doonayo in ay joogaan Dhuusamareeb maalmaha uu socdo si looga qaybgaliyo diiwaan galinta ciidanka oo uu wado Xasan Kheyre.

Arintaan oo u raali ka yahay Xasan Kheyre ayaa ah mid uu la doonayo in laga been abuuro xaalada rasmiga ah ee ka jirta degaanka Dhuusamreeb. Dhanka kale,  talabaada uu qaaday Kheyre ayaa dagaal sokeeye ka dhex abuuri doonta beelaha walalaha ee wada dega Galmudug.

Sidee bay suuragal ku tahay in dowlada Fedaraalka ay kumaan ciidan u qorto hal beel oo wadata magaca Al Sunna halka beelaha kale loo qoro toboneeyo qof. Tusaal waxaan u soo qaadan karnaa beesha Saleemaan ayaa loo diiwaan galiyay in ka yar 200 qof halka beesha waceysle oo degan Galmudug loo sheegay in  loo diiwaan galiyay tiro gaarayso toboneeyo qof.

Saraakiishii magac weyn ku lahaa degaanka Galmudug oo ay ku jiraan Janaraal Galaal, Janaraal Indha Cade iyo Janaraal Cabdi Qaybdiid ayaa ka  gaabsaday in ay qayb ka noqdaan been abuurka Kheyre ka wado Dhuusamreeb iyaga oo ka digay in dagaal beeleed ka dhaco Galmudug.