Saraakiil Al Shabaab Katirsan Oo Duqeeyn Lagula Beegsaday Gobolka Gedo

Reading Time: < 1 minute

Wararka ay MOL ka heleyso gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo ka geysteen degaano ka tirsan gobolkaasi.

Duqeyntan ayaa waxaa la sheegay inay si gaar ah uga dhacday tuulooyinka Makka iyo Qansax-oomane oo hoostaga degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Warar madax banaan oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ay dhawr mar ku laabteen goobahaasi oo la sheegay inay fariisimo ku lahaayeen Ururka Al Shabaab.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen duqeynta inay waxyeeleysay dad rayid ah, ma cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntan, balse waxaa socda baaritaan arrintan la xiriirta.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Gedo oo aan la xiriirnay way inoo suurageli-wayday inaan khadka telefoonka ku helno.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga dalka laga leeyahay diyaaradaha duqeynta geystay, inkastoo duqeymaha ka dhaca Koonfurta Soomaaliya ay inta badan geystaan diyaaradaha dagaalka dalka Kenya.