Sanbaloolshe oo rajio ka qabo in maalinta Isniinta lagu doorto Jowahar.

Reading Time: < 1 minute

Cabdullahi Sanbaloolshe oo ay dad badini u arkaan in uu yahay dimbiilihii ka danbeeyay  musaafurinta iyo gacan galinta halyeey Korneel Qalbi Dhagax ayaa waxa uu rajo badan ka qabaa in doorashada maalinta Isniinta lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Jowhar mar kale dib loogu soo doorto  si uu  noqdo  xildhibaan golaha shacabka.

Waxaa nasiib xumo iyo sharaf daro u tahay  shacabka reer Hiiraan, gaar ahaan beesha uu ka dhashay oo leh taariikh wadaniyadeed in Sanbaloolshe u soo istaago in xildhibaan u noqdo mar kale.  Dad badan ayaa qabo in Sanbalooshe maxkamad la soo taago si uu uga jawaabo khayaanada Qaran ee uu ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. 

 Sida loo xaqiijiyaya Muqadishu Online, waxaa magaalada Jowhar maanta tagay wafdi ka socda sirdoonka Itoobiya kuwaas oo u tagaya Jowhar si ay xaqiijiyaan in Sanbaloolshe la soo doorto.