sanator Cabdi Qeybdiid oo Xukuumada Ku Edeeyay In Maqnaashaha Maqaamka Muqdisho ay ka dhigan tahay in Dad dhan xaqoodii ladifirayo

Reading Time: < 1 minute

Iyado Maqaamka Muqdisho uu dood badan ka tagan yahay aya waxa Kulan lagu sagootinayay gudoomiyayaahsa baarlamaanada ee maamul gobalaeedyada dalka iyo gudiyada madaxa banaan iyo midka baarlamaanka soomaaliya u qaabilsan dastuurka qabyo tirkiisa ayaa xalay ka dhacay aqalka dowladda hoose ee xamar.

Gudoomiyaha gudiga lasocodka qabyo tirka dastuurka dalka u qaabilsan baarlamaanka soomaliya sanator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay mar hadii aan maqaamka muqsisho uyeelanyo aanan lagu cadeynin dastuurka dalka islamarkaana aanan lasiinin muqdisho xaqeeda aysan dalkaan ka dhacayn midnimo iyo wada jir maadamaa dad dhan xaqoodii ladifirayo.

Hadalka Cabdi Qeybdiid aya imaanaya iyado Dowlada hada Jirta ay meel iska dhigtay Maqaamka Muqdisho iyado Xukuumada iyo Madaxtooyada ay ka dagaalamayan in Shacabka Muqdisho ay helaan Masuul Iyo Xildhiibaan Aqalka Sare ugu dooda.