Dowlada Soomaaliya ee hada jirto ee uu hoggaamiyo Mohamed Abdullahi Farmaajo wuxuu laaluush ku bixiyay doorashadii Galmudug inka badan 30 Milyan. iyadoo lacagahaas ayku dhaceen jeebka Madaxda Ahlu Suna, Odoyaasha dhaqanka, xildhibaanadii wax dooraneysay, Siyaasiinta saameenta leh, & ololaha dorashada MW Qoor Qoor kuma filnaan lacagtaas xalinta tabashooyinka balse dhiig ayaa ugu danbeeyn ku daatay kursigaas.
Doorashadii Koonfur Galbeed iyana waxaa ku baxday ku dhawaad 40 Milyan oo dolar iyadoo loo adeegsaday Odoyaasha dhaqanka , Dowlada Ethiopia ciidamadeeda, XIldhibaanada wax dooranayay , ololihii doorashada MW Lafta Gareen balse dhamaan cabashooyinkaas laguma xalin kaliya lacag ee ugu danbeeyn dhiig ayaa ku daatay.
Haddaba hadii MW Farmaajo awooday inuu dhaqaalo xoogan ku bixiyo Kursi Doorasho ma awoodii waayay in 100 MIlyan laga bixiyo qasnada dowlada si shaqo abuur loogu sameeyo shacabka soomaaliyeed qeyb ka mid ah.?
Haa wuu awooda MW Farmaajo bixinta qarashaadkaas iyadoo sifo sharci looomaray ama aan loomarinba, balse MW Farmaajo dareen bulsho maqabyo , kama damqayo dhiig baxa shacabka , macluusha bulshada taas badalkeeda iskaako ayuu xafiiskiisa ku ciyaara si uu udaban daabeyn lahaa qabaailo soomaaliyeed ama uu isku dir u sameeyo.
Haddaba 100 Milyan oo doolar maxeey wax ka qaban kartaa sideena loomareen karay.
- Puntland 15 Milyan ayaa lagu bixinayaa iyadoo xoga lasaarayo in dhalinyarada loogu shaqo abuuro Kaluumeysiga, & warshadaha yaryar oo wax soo saar leh. ama wixii deeganadaas uu hodan ka ku yahay.
- Galmudug 15 Milyan in lagu maalgaliyo dhalinyarada hal abuurka soo bandhigay si dhaqaalaha dalka sare ugu kaco dhalinyaro badana shaqo ugu noqoto oo ay waxsoo saaran.
- Koonfur Galbeed 20 Milyan in lagu maalgaliyo in shacabka loosiiyo dhulbeereed loona qodo ceelal lana siiyo mirihii ayku beeran lahaa iyo qalabka lagama maarmaanka u ahaa.
- Jubaland 20 Milyan halagu maalgaliyo in dhalinyarada shaqo abuur loogu sameeyo beeraha iyo kaluumeysiga arrintaasna waxeey wax wayn ka tari doonta wax soo saarka dalka , dhaqaalaha oo kor u kaco & shacabka faro badan oo shaqo abuur ayu noqoto.
- Hirshabeelle in lagu maalgaliyo 20 Milyan oo iyana lagu maalgaliyo beeraha & Kaluunka.
- Gobolka Banaadir iyana in lagu maalgaliyo 10 Milyan dhalinyarada xirfadaha gacanta leh si ay waxsoo saar micna leh u yeeshan .
haddaba hadii sanad walbo Dowlada soomaaliya 100 Malyan oo dolar ku bixiso shaqo abuur si xalaal loomaareeyay kafuliso dalka 4 sano isku xigtana ku baxday 400 Milyan waxaa shaqo abuur helaayo ku dhawaad 2 Milyan oo shacab ah ama ugu yaraan 1 Milyan oo shacabka .
Faaido ka wayn miyaa jirta in 2 Milyan oo dad ah ay helan shaqo abuur ayku maareeyan noloshooda taaso si kale markii loodhigo ay kaalin wayn ka geesanayso in sare ukac laga dareemo dhaqaalaha dalka halka maanta uu joogay.
hadaaba MW Farmaajo & musharixiin badan oo kale qorshaha uguma jirto in ay xalada nololeed ee bulshada waxka qabtaan kaliya kursiga ineey ku daneestan oo kaliya ayaa muuqata.
Shacabka SOomaaliyeed waxaa ushega Kursiga Madaxweynaha macquul ma ahan in ay dayacaan loona daayo mid ku daneesanayo kaliya ee waa in lagula dhagaa si loogu fadhiisiyo qof dalka kasamata bixin kara xalad uu ku jiro.
40 Milyan oo Sacuudiga Soomaaliya ugu deeqay waxaa leexsaden MW Farmaajo & Saaxiibadiisa oo ugu horeeyo Hassan ALi Kaire, Wasiirka Maaliyada Bayle, Fahad Yaasiin & MW Farmaajo .
arrintaas waxeey cadeen u tahay in MW Farmaajo deeqihii caalamka xitaa uu kaleexsanaayo dalka iskaba daay in uu la yimaado fikir uu dalkaan xalada u ku jiro uga samatabixin lahaa.