Saldhigii  laga soo abaabuli jiray qaraxyada Al-shabaab oo la burburiyay

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ay horkacayaan cutubyo ka tirsan ciidanka Mareykanka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa sheegaya in Howlgaladaas laga fuliyay Xarun lagu sheegay in  lagu fuliyo tababaro Maleyshiyada Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay warbaahinta aCiidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar oo nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay qasaaro dhimasho iyo dhaawac nabadiidka Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalkaa