Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Garbahaarey oo madaafiic lagu weeraray

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Al Shabaab ayaa  weerar gaadmo ah ku qaaday Saldhiga Ciidanka Itoobiya ee Garbahaareey. Dad goobjogaal ah ayaa sheegaya  in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay madaafiic ku weerareen Saldhig ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka magaaladaas.

Shacabka ku nool degamada Garabahaareey ayaa sheegay in ay maqlayeen salxaan rasaasaad iyo madaafiic dhawr ah oo Al-Shabaab ay xalay ku garaacayeen Saldhig ay degan yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya.

Madaafiic ka dib ayaa kooxda  Al-Shabaab ay weerar toos ah ku qaadeen ciidamadii deganaay saldhiga, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo socday, lamana oga ilaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka degmada Garbahaarey.

Ciidanka Al Shabaab ayaa ka baxsaday goobtii ay weerareen. Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegeen in ay socdaan howlgallo lagu baacsanayo Shabaab-kii xalay weerarka ku qaaday Saldhigga ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.