Salaadinta Beesha Garxajiska ee isku sheegay inay yihiin salaadiinta rasmiga ah ee “Aan Siyaasada Ku dhex Milmin” oo maanta ku shiray magalaada Hargeysa ayaa ka horyimid qoraal iyo shir jareaa’id ay qabteen Salaadiin isku sheegtay inay wakiil ka yihiin beesha Garxajis.
Salaadiinta maanta shirtay ayaa go’aano ay soo saareen kaaga hadlay arimaha Laascaanood, go’aaan adagna ka qaatay. Salaadiinta oo ku baaqaay in si nabad ah lagu xaliyo dagaalka Laascaanood ayaa sidoo kale ku eedeeyay Siyaasiyiinta Xsibiga Wadani inay sameeynteen oday dhaqameed gacan ku rimis ah oo aan wakiil ka ahaynin beelweynta Garxajis.
Salaadiinta Maanta kulantay ayaa digniinon adag u diray waxa ku sheegeen “siyaasyiin salaadiin ah” oo magaca beesha Garxajis Xisbi iyo siyaasad u Isticmaalay. Waxaana ay sheegeen inay dhaqaha ka fureysanaynin odoyaashad lacahta ku soo qaatay magaca beesha.
Halkaan ka aqriso qoraalka ka soo baxay beesha garxajis:

















