Salaadiinta Gobolka Bari oo soo saarayo baaq ka dhan ah Saciid Deni

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maalinta berito ah la filayaa in salaadiinta, dhaqanka, ururadda bulshada ay si wadajira u soo saaraan baaq ku wajahan Saciid Deni, kaas oo loogu baaqayo in uu iska casilo xilka uu u hayo Puntland, madaama uu damac kaga jiro doorashada Fedaraalka.

Shacabka iyo Salaadiinta Goboladda Bari ayaa waxa ay si Wadajira uga soo wada horjeedaan damaca Saciid Deni. Waxaa dhowr bilood ka hor ka dhacay magaladda Boosaaso dagaal lagu hoobtay kaas oo aan ilaa iyo hada cidna qaadinin mas’uuliyada dagaalkaas.

Labo maalin ka hor ayaa ay ahayd markii waxgaradka iyo salaadiinta reer  Mudug ay soo sareen baaq ay uga soo horjeedaan Damaca Saciid Deni. Wax ayna ugu baaqeen inuu iska casilo xilka Puntland si ayan Puntland ula dhimay isaga.

Dhanka kale waxa Muqdisho ku sii qulqulaya siyaasiyiin, waxgarad iyo salaadiin kuwaas oo ka bilaabayo Muqdisho olole looga soo horjeedo damaca Saciid Deni. Waxgaradkaas ayaana ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xildhibanadda la soo doortay uga digaya inay soo dortaan Saciid Deni oo khatar u ahaan doonto midnimada Soomaaliya iyo tan Puntland.