Salaadiinta  Maamulka K/Galbeed oo Madaxweyne Shariif Xassan ku Dhaliilay Qaban-qaabadda Doorashadda Maamulkaasi Habka loo Maraayo!

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo dhawaan lagu balansan yahay in Doorashadda Madaxtinimo ee Maamulkaasi ay ka qabsoonto Magaalada Baydhaba Ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinaayo Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xassan Shiikh Aadan.

Odayaasha dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeed Qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in Gudiga Qaban-qaabadda Doorashada uu soo xulay Madaxweyne shariif xassan Islamarkaana ay yihiin kuwa asigga u gooni ah oo jeebkiisa ku jira sida  ay hadal u dhigeen.

Suldaan Cilmi waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Maamulkaasi Koonfur Galbeed in uu lacag aad u fara-badan siinaayo Odayaasha dhaqanka ee la doonaayo in ay soo xulaan Xildhibaanadda Dooran Doono Madaxweynaha.

Arintaani ayuu ka digay in Odayaashu Sameeyaan oo ay soo xulaan Xildhibaan Jeebka Shariif xassan ku jira taasi oo ay ku tilmaameen dib u dhac horleh oo Maamulka K.Galbeed soo wajaha.

Dhanka Kale suldaanku waxaa uu sheegay in ay jiraan Odayaal diiday qaadashadda Qidmada shariif xassan Bixinaayo islamarkaana kuwaasi laga doonaayo isbedel wax ku ool ah oo Shariif Xassan Meesha looga saari-karaayo.

Waxaa la Qorsheeynayaa in dhawaan Doorasho ka dhacdo Magaalada Baydhabo waxaana u sharaxan ilaa iyo Dhowr Musharax sidaasi oo ay tahayna waxaa welwel laga qabaa in Madaxweyne Shariif xassan Awood u isticmaalo Kursigga uu hadda Joogo,Musharaxiinta kalana Culeeys Saaro