Salaad Cali Jeele, oo ah la taliyaha Madaxweynaha ayaa caawa sheegay in shaqada Madaxweyne Farmaajo u diray ay ahayd mid aad u culus oo u baahan wax ka badan in idaacad laga hadlo. Salaad Cali Jeele ayaa shir uu caawa ka hadlay sheegay in hadii aan xal loo helin sababihii keenay in dadku gadoodaan in ay lama huraan noqoneyso in Banaanbax kale ay ku baaqaan kuwii soo qaban-qaabiyay kii Khamiista baaqaday”.
Salaad Cali Jeele ayaa yiri ” anaga waxa nala yiri dab holac ah ama dab xoog u faafayo biyo dhalooyin ku jira ku damiya taasna macquul ma aha… si dabku u si rasmi ah u damo wuxuu u bahan yahay in baaburka damdamiska ah la isticmaalo”. Nuxurka hadalka Salaad Cali Jeele ayaa ah inta ay jirto dhibaatadii keentay banaanbaxa iyo kacdoonka shacabka in dowlada dhib ku imaandoono. Waxa kale uu sheegay hadii aan la helin isbadal deg deg ah in Muqdisho dhib weyn ka dhici doono.
“Madaxweynaha waan u sheegay in xamar rimanyahay, waxa uu dhali doonana lama yaqaan, waxaan ka rajeynaynaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo in umadda ka farxiyo oo uu isbadal deg deg ah ku sameeyo hogaanka xumukadiisa” ayuu ku daray Salaad Cali Jeele.