Safiyo Xassan shiikh oo xil-culus loo magacaabay

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Xasan Cali caadle ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Duqii degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax, iyada oo duq Cusub loo Magacaabay qof dumar ah degmada Baladweyne.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa xilka duqa degmada loogu Magacabay Haweeney lagu Magacaabo Safiyo Xasan Sheekh Cali taas oo bedeleysa duqii hore ee degmada Baladweyne Khadar Xasan Afrax.

Sababaha xilka looga qaaday duqii hore ee degmada Baladweyne ayaa lagu sheegay inay timid baahi loo qabo in isbedel lag sameeyo maamulka gobalka Hiiraan haseyeeshee  faah faahin dheeraad oo intaas dhaafsan  lagama bixin.