Sida Muqadishu Online idinkuugu soo tabisay shantii cesho ee la soo dhaafay MW Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxa uu la qaatay kulamo qarsoodi ah Madaxada Dowlada Fedaraalka. Kulamadaas oo ahaa kuwo qarsoodi ah ayaa waxaa looga hadlayay sidii MW Waare looga saari lahaa Isbaheysiga Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda. Waxaana loo balan qaaday lacag miisaaniyad bile ah oo isaga shaqsiyan u gooni ah. Lacagta lagula heshiiyay ayaa gaareysa bishii $500, 000 (shan boqol oo kun oo doolar). Dhanka kale Safiirka Dalka Qatar iyo Fahad Yaasin ayaa waxaa iyagana ay la qaateen kulamo gaar ah MW Waare. Safiirka Qatar Hassan Bin Hamsa Asad ayaa habeen xalay ahaa kulan dheer kula qaatay MW Waare hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqadishu. Kulankaan ayaa dhacay daqiiiqado ka dib markii la soo gaba-gabeeyay MW Waare kulan uu la qaatay MW Farmaajo iyo RW Kheyre.
http://46.101.175.207/mw-waare-oo-kulankii-sadaxaad-oo-qarsoodi-ah-la-qaatay-mw-farmaajo-maxaa-laga-hadlay/
Waxaa muuqata in Dowlada Qatar ay lug weyn ku leedahay heshiisiinta MW Waare iyo Dowlada Dhexe. Warar hoose oo ay heshay MOL ayaa sheegayo in Dowlada Qatar balan qalaad u sameeysay MW Waare taas oo ah in caruurtiisa la siin doono waxbarasho lacag la’aan. Su’aasha la isweydiinayaa waxa ay tahay balan qaadka uu la galay Safiirka Qatar iyo Fahad Yaasin ma noqon doontaa mid dan ugu jirto dadka reer Hirshabeele.