Hanti Dhowrka Qaranka Avv. Axmed Ciise Guutale ayaa labo asbuuc ka hor waxa danbi ku soo oogay qaar kamida safaaraddaha Soomaaliya u fadhiya dalka Dibadiisa. Avv. Guutaale ayaa sheegay in sadax safaaradood oo ay ku sameeyeen baaritaan buuxa ay ku ogaadeen inay lunsadeen aduun ku dhaw $3 Malyan oo lacagta Mareykanka ah.
Warbixinta uu soo saaray Hanti-Dhowrka Qaran oo uu la wadaagay hay’addaha ay quseyso, sida xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xafiiska Xeer Ilaalinta, iyo beesha caalamka ee taageerto dowlada federaalka ayuu ku cadeeyay lunsashada dhaqaalaha dowlada, kuwaas oo ay ku kaceen hay’addo iyo shaqsiyaad gaar ah.
Hanti-Dhoworka Qaranka waxa uu sidoo amray in baaritaan lagu sameeyo heshiisyada shirkadaha Turkiga ee gacanta ku haya maamulka qeybo kamida howlaha garoonka diyaaradaha iyo kuwa Dekada magaalada Muqdisho.
Avv Axmed Ciise Guutale waxa uu warbixintiisa ku eedeeyay safaaradaha kala ah, Safaaraddaha Soomaaliya ee dalalka Kenya, Turkiga iyo Jarmalka.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo fulinaya codsiga ka soo gaaray Xafiiska hanti-dhowrka Qaranka ayaa waxa ay go’aamisay in sadaxda safiir ee lagu xusay warbixinta hanti dhowrka ay hor yimaadaan Maxkamada Gobolka Banaadir si wax looga weydiiyo lacagta lagu eedeyay inay lunsadeen.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, Xeer Ilaalinta ayaa la filayaa inay asbuuca soo socda u yeeraan sadaxda Safiir ee kala ah;
- Maxamud Axmed Nuur (Tarzan) – Kenya
- Jama A Mohamed Ceydiid – Turkey
- Mohamud Mohamed Tifow – Jarmal
Sadaxdaan Safiir ayaa maxkamada horimaad doona iyaga oo la weydiin doono lacagta ay lunsadeen. Qorshaha Xeer Ilaalinta ayaa ku soo aadaya iyada oo labo habeen ka hor uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in dad mas’uuliyiin waaweeyn oo ka tirsan dowladiisa maxkamad la horkeeni doono ama shacabka Soomaaliyeed ay ka daawaan doonaan teleefishinada dalka iyaga oo la weydiin doono musaqii ay ku kaceen iyo lacagihii ay lunsadeen.
Wali macada in Madaxweyne Xasan Sheekh uu marka hore shaqada ka joojin doono sadaxdaas safiir ee la soo eedeeyay iyo in iyaga oo wali wakiil madaxweynaha ka ah maxkamad la horkeeni doono. Waxaan sidoo kale aan cadeynin in safiirada la soo xiri doono marka hore sidii loo soo xiray shaqalahii Garoonka diyaaradaha ee lagu eedeeyy Musuqa oo ay dacwadooda hada socoto.
Dhanka kale, maxkamada Gobolka Banaadir ayaa u sheegtay xeer ilaalinta in Maxkamada labada asbuuc ee soo socotaa ay ku mashquulsanaan doonto dacwada Kiisaska Musuq-Maasuqa ee garooonka diyaarada, taas oo laga yaabo in dib u dhac ku keento xiliga eedeysanayaaasha maxkamada la horkeeni doono. Baarayaasha iyo Qareenada Xafiiska Hanti-dhowrka Qaranka ayaa dhankooda diyaariyay dhamaan nuqulka musuqa iyo cadeeymihii eedeysanayaasha ay ku lunsadeen hantida umadda Soomaaliyeed.
Sadaxdaan Safiir ayaa ahaa sadax Safiir oo uu horay u magacaabay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Si kastaaba ha noqotee waa ay adkaan doontaa in sadaxdaas Safiir ee lagu eedeeyay inay lunsadeen hantida umadda Soomaaliyeed ku sii nagaadaan dalalka ay wakiilka uga yihiin dowlada Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh.