Safiirkii Dawladda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Indonesia Danjire Kayse Gurey oo dhowaan xilka iska casilay si uu ugu noqdo Somaliland.
Danjiraha ayaa horay cafis u weydiistay dowlada Somaliland isaga oo sheegay in uu dalka somaliland ka galay gaf madaama uu waqtigiisa ku lumiyay deegaan Cadow ku ah jiritaanka iyo dowladnimada Somaliland.
Kayse Gurey, ayaa shalay Madaarka cigaal kasoo dega waxa uuna halkaas ku tahay cafimaad ay dowlada Somaliland u fidisay.
Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ka dhigtay Muqdisho deegaan ay ka ganacsadaan Marka ay ka lacageystaana, waxa ay lacagtooda ku maalgashadaan Somaliland. Waxa horay cafis u weydiistay dowlada Somaliland wasiirkii hore ee maaliyada ee dowlada federaalka, Cabdiraxman Beyle