Dowladda Turkiga ayaa walaac ka muujisay go’aankii dhaqsaha ay maanta dowladda Soomaaliya ku taageertay gabood falka iyo gardarrada dowladda Sucuudiga ay ku dishay wariyihii caanka aha Jamaal khashoggi gudaha qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Istanbuul.
Sida ay xog ku heshay MOL, wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga aya xaruntooda ugu yeeray safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Ankara Jaamac Caydiid (Jaamac Barafuun) si wax looga weydiiyo go’aanka ay Soomaaliya ku taageertay boqortooyada Sucuudiga. Wali lama oga fartiinta ay dowladda Turkiga u diri doonto dowladda Soomaaliya.
Saaxibka ugu dhow adduunka oo ay lahayd Boqortooyada waa dalka Mareykanka aya lagu wadaa in uu saaro cunaqabateyn boqortooyada Sucuudiga iyagoo ka jawaabaya falkii foosha xumaa ee ay boqortooyada ku amartay in lagu dilo Jamaal khashoggi.
Dowladda Soomaaliya ayaanan fahamsaneyn danaha dalkeeda iyo diblomaasiyadda, waayo marka ay is qabtaan laba dal oo uu idinka dhexeeyo xiriir wanaagsan waxaa habboon in aanad dhex galin, adigoo marka ilaalinaya xiriirka labada dal, difaacayana danaha aad ka leedahay.
Waxaa falkan degdegta badan ay Soomaaliya qaadatay markii ay is qabteen dowladaha Imaaraadka iyo Qatar, taasoo dalka gelisay xasilooni darro siyaasadeed oo dhan walba ah. Dowladda Imaaraadka ay ku leh shucuubta Soomaaliyeed taageero weyn waana dalka ay Soomaaliya la leedahay xiriir ganacsi oo qoto dheer, taalana hantida ganacsatada Soomaaliyeed.
Dowladda Turkiga aya lagu wadaa haddii aanay ka helin dowladda Soomaaliya sabab qancisa ay dib ugu yeerato safiirkeeda, xiriirka labada dalna uu galo mugdi siyaasadeed. Haddii ay dhacdo in Turkiga uu u yeero safiirkiisa waa ay adkaan doontaa sidii uu ku badbaadi lahaa Madaxweyne Farmaajo waayo dowladda Turkiga ayaa ah dalka kaliya ee Soomaaliya ku taageera cudud siyaasadeed oo mug leh.