Safiirka Somaliland ee Jabuuti oo maamuus & soo dhaweyn loogu sameeyay-Xarunta-Baarl-Jabuuti

Reading Time: < 1 minute

Safiirka dalka la-magac baxay Somàliland u fadhiya dalka Jabuuti Mudane Cabdifataax Siciid Axmed ayaa maalintii shalay ahayd waxaa lagu soo dahweeyayay baarlamaanka dalka Jabuuti iga oo isla markanaa  ka qaybgalay furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka dalka Jabuuti.

Sida Caadada ah furitaanka kalfadhiyada baarlamaanada dalalka  ayaa lagu soo casuumaa diblomaasiyiinta caslamka ee fadhigoodu yahay dalka ay dalalkooda wakiilka uga yihiin. Soo dhaweynta iyo casuumada loo fidiyay Cabdifataax ayaa muujinayso in dowlada Jabuuti ay aqoonsan tahay jiritaanka dalka la magacbaxay Somaliland.

Danjire Cabdifataax ayaa muddadii uu ahaa Wakiilka Somaliland u fadhiya jabuuti ka shaqeeyay inuu xoojiyo iskaashiga saaxiibtinimo ee labada dal.Danjire Cabdifataax ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay xarunta baarlamaanka Jabuuti, wuxuuna ahaa diblomaasiyiinta dalalka caalamka ee lagu martiqaaday kulankaas.

Dadka ku nool Somaliland ayaa Visa waraaq ah la siiyaa marka ay tagaan dalka Jabuuti taas oo ka dhigan in dalka Jabuuti  si buuxda u aqoonsab yahay baasaboorka Somaliland.