Danjiraha dalka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya oo ka jawaabay qoraalkii ay saacado ka hor Somaliland ku garab istaagtay Taiwan ayaa sheegay in Somaliland ay iska xar xariiqatay soohdin iyo xad aan jirin. Danjiraha ayaa sheegay inay gobolka la magacbaxay Somaliland ee ka tirsan dalka Soomaaliya uusan ka go’i karinta Soomaaliya inteeda kale.
Safiirkan ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay in la sameeyo meel aan xuduud ahayn. Isaga oo hadalkiisa sii raaciyey “Dadka garaadka lihi guryaha dhexdooda xuduudo kama samaystaan”.
Hadalkan Safiirka ayaa yimid kadib markii Somaliland ay sheegtay in Shiinuhu u wado duullaan ka dhana Taiwan oo la qaddiyada Somaliland. Waxaanay Somaliland intaa ku dartay in ay garab taagan tahay Taiwan oo ah dal Dimuqraadiya.