Safiirka Qatar Xasan Xamza iyo Fahad Yasin oo dalka ka dhoofay

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya oo ay la socdaan kusimaha NISA Fahad Yaasin iyo gacan yarahiisa. Sida MOL ay xog ku heshay waxaa safiirka iyo Fahad Yasin ay u socdaan magaalada Dooxa ee dalka Qatar si halkaas looga soo qaado lacagtii lagu difaaci lahaa MW Farmaajo oo Baarlabaanka JFS ay ka keeneen mooshin kalsooni kala noqosha ah.

Dowladda Qatar oo si aan gabasha lahayn u taageerta kooxda Farmaajo iyo ururka Shabaab aya waxa ay caqabad ku tahay geeddi u socodka nidaamka dowliga ah ee dalka.