Safiirka Mareykanka Yamamoto oo la sheegay in uu ku fashilmay siyaasadda Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Wargayska The National Interest ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay maqaal dheer uu kaga waramayo sida siyaasadda arimaha dibadda Mareykanka ugu guul dareesatay ladagaalanka kooxda Al-Shabaab oo kamid kooxaha ugu xooggan ee ka dagaalama Qaaradda Afrika.

Wargayska ayaa soo qaatay muuqaal uu iska soo duubay Bishii November hogaamiyaha kooxda oo warar hore ay sheegayeen in uu dhintay balse muuqaalkiisa ka tarjumayay awooda kooxda iyo wali sida ay baaqi usii tahay.

Kadib muuqaalkaas Al-Shabaab ayaa qaaday weeraro dhawr ah oo qaarkood ka dhacay qaybo kamid ah dhulka Somalliland oo aanan horay looga baranin Al-Shabaab in ay weeraro ka gaystaan.

Siyaasiyiinta qaar uu wargeysku wareesatay ayaa leh Al-Shabaab waxa ay si daah furan canshuur kaga qaadaan ganacsatada, kaliyana maahan in ay canshuuraan ganacasatada leh xarumaha sida gaarka ah looleeyahay ee xitaa waxa ay canshuuraan xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dhibaatada sii baaheysa kali ah maahan musuq maasuq ee waa in aysan jirin siyaasad wax hagta ayuu yiri Donald Yamamoto, oo ah safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Maqaalka wargeyska ayaa aad u dhaliilay istaatiijiyadda ay saafaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku wajahdo dagaalka Al-Shabaab oo sii baahaya.

Qubarada maqaalkan qoray ayaa sidoo kale sheegaya in Dowladda Faderaalka ah ee uu hogaamiyo madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay xooga saartay la dagaalanka mucaaradka halka ay awoodeeda iskugu geyn laheed ladagaalanka Al-Shabaab.

Markii uu ugu horeysay tan iyo burburkii dowladda Mareykanka ayaa dib uga furatay safaaradeeda Soomaaliya waxa ayna ahayd in ay xooga saarto ladagaalanka al-Shabaab balse siyaasada arimaha Mareykanka oo aad u liidato ayaa keentay in ay sii kordhaan weerarada al-Shabaab ayaa lagu yiri maqaalka wargayska oo aad u dheeraa.