Safiirka Mareykanka ee Kenya oo sheegay in kiiska Badda ee Somalia & Kenya xal loo helayo ka hor Maxkamadda ICJ

Reading Time: < 1 minute

Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarther aya sheegay in dowladda Mareykanka ay ka shaqeynesyo sidii xal aan Maxkamad ahayn loogu heli lahaa labada dal ee deriska ah waa Somalia & Kenya.

Safiirka oo wareysi siiyay Telefishnka Citizen aya cod dheer ku sheegay weliba si kalsooni ay ka muuqato in xal waara loo helay muranka dacwada biyaha Badda Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso.

Safiirka kama uusan bixiin faah-faahin qaabka iyo sida loo helayo xalka. Maanta aya waxa soo baxay jadwalkii Maxkamadda ee labada dal taasoo lagu ballansan yahay bisha Sept 09 ilaa 11 2019.

Dad badan aya is weydiinaya waxa isku soo beegay iyadoo maanta la shaaciyay jadwalkii Maxkamadda iyo wareysiga uu bixiyay safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya. Arrintan aya waxa ay abuurtay shaki badan in uu jiro heshiis hoose oo u dhexeeya Dowladda Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, balse ay tahay ruwaayad labada shacab loo dhigayo in xiriirka diblomaasi ee labada dal uu yahay mid sii xumaanaya.