Safiirka Maraykanka Yamamoto oo Farmaajo ugu yeeray Xarunta Xalane

Reading Time: < 1 minute

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo ku sugan Magaalada Muqadishu gaar ahaan Xarunta Xalane ayaa maanta si deg-deg ah ugu yeeray Madaxweyne Farmaajo. Kulanka maanta ayaa looga hadlay xaalada ka siidareysa ee dalku maraayo iyo cawaaqib xumadda ka dhalan karta.

Kulanka maanta ayaa yimid maalin ka dib markii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu soo saaray qoraal uu uga soo horjeedo go’aankii RW Kheyre iyo gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka  ay horay wada qaateen.  Safiirka Maraykanka ayaa u sheegay Farmaajo in uu si deg deg ah dowlad cusub u soo magacaabo si loo soo afjaro dagaalka siyaasadeed ee faraha ka sii baxaya. Sidoo kale waxaa looga digay Farmaajo  in uu  qayb ka noqdo dagaalka looga soo horjeedo gudoomiye Mursal kaas oo aan wax natiijo  wanaagsan ayan  ka imaan karin.