Waxaa maalmahaan socday guux aad u balaan kaasi oo ah in R/wasaaraha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Xassan Cali Kheeyre xil ka qaadis lagu sameeyn doono iyadoo loo maraayo Xildhibaanadda Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya.
Iyadoo ay taasi jirto ayaa dhinaca kale waxaa socdo guluf iyo loolan ku aadan helida kursigaasi kheeyre baneeynaayo,waxaana safiirka Itoobiya ee Soomaaliya uu hada wadaa qorshe ah in nin kazoo jeeda dhulka Soomaalida ee la heeysto loo magacaabo R/wasaare Marka Xildhibaanadu ka taqalusaan Xassan Cali Kheeyre
Si aan xogta ku heleeyno Ninkaani ayaa kazoo Jeeda Beesha Direed Gaar ahaan Isaaq waxaana ay noqoneeysaa in Beesha Hawiye oo kursigaasi ilaashaneeyso laga dhex-saaro islamarkaana loo weeciyo Dhinaca kale
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa arinkaani laguq qanciyay waxaana abaabulkaasi iyo qorshaba leh safiirka Itoobiya iyo Fahad yaasiin Xaaji daahir oo ah Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya
Waxgaradka iyo Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa durba waxaa ay kazoo saarayaan arinkaani digniino iyagoo ku baaqaya in La keeno Shaqsi Soomaalinimadu ku weeyn tahay islamarkaana aan huwaneeyn Shaati shisheeye,inkastoo Itoobiya ay saameeyn weeyn ku leedahay siyaasada Soomaaliya hase’yeeshee qaar ka mid ah Falanqeeyayaasha ayaa leh Suuragal maaha
Hadii Safiirka Itoobiya Ee Muqdisho joogo ku guuleeysto qorshahaani ayaa waxaa ay la micno tahay in Villa Soomaaliya ayna Jirin Balse ay muqdisho ku taalo’’Villa Itoobiya’’