Safiirka Ingiriiska u fadhiyay magaaladda dalka Soomaaliya Ben Fedner ayaa si faahfaahsan uga hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. Waxa uu ku adkeeyay Dowlada Fedaraalka in ay xal deg deg ah u hesho qilaafka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada. Sidoo kale Safiirka ayaa sheegay in dhawaan uu filayo in la soo magacaabo wakiilka Xog’hayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ben Fedner oo waraysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa uu sheegay inuu rajaynayo in iskaashi uu dhexmaro dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ah oo lagu heshiiyo dhamaystirka dastuurka, doorashada , amniga iyo qaybsiga khayraadka.
“sir ma aha, in Uk iyo beesha caalamku ay ka xumaadeen sidii loo maareeyay eryidii Haysan, Waxaan dareenay in sidaas ayan ahayd in sidaas ula dhaqmaan hay’ad ay iskaashi ka dhaxeeyo” ayuu yiri Safiirku , mar uu ka hadlyay sida ay beesha caalamku uga xumaatay eryidii wakiilkii qaramada midoobay ee Hayson
“ waxaan soo dhawaynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan qaramada midoobay u magacowdo Ergaygeedii Soomaaliya, balse waxaa jira hannaan loo maro shaqaalaysiinta, waxaan filayaa in howshaasi meel fiican marayso ” ayuu sii raaciyay”.