Safiirka Canada ee dalka Kenya oo shaqadeeda loogu daray inay ka warhayso Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Dowlada Canada ayaa Safiirkeedii u joogay dalka Kenya ugu dartay in ay sidoo kale wakiil uga noqoto dalka Soomaaliya.  Danjiraha cusub  Marwo Lisa Stadelbauer, Safiirka Idman ayaa waxa ay noqonaysaa wakiilka ee Canada u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Marwo Lisa Stadelbauer, ayaa balan qaaday in dowladda Canada ay kaalin mug leh ka qaadaneyso sidii dalkan uu cagihiisa isugu taagi lahaa,si loo soo celiyo dowladnimadii Soomaaliya oo awood buuxda leh.

Sanadadii hore ayaa dowlada Canada oo qadarin u haysa dalka Soomaaliya waxa ay u magacaawday safiir u gaar ah Soomaaliya laakiin waxa hadda muuqato in ayan dowlada Canada  mudnaan gaarka ah siinaynin Soomaaliya. Dalka Canada ayaa waxa ku nool dad ku dhaw nus malyuun Soomaali ah.

Danjiraha ayaa maanta u gudbisay waraaqaheeda aqoonsiga Madaxweyne Maxamed Farmaajo.