Safiirada Reer Galbeedka oo Kulamo gooni gooni ah Nairobi kula leh Axmed Madoobe(SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Axmed Maxamed Islaam  Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenaya aya kulamo gooni gooni la qaatey qaar kamid ah safiirada dalalka reer galbeedka u jooga dalkaas.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Safiirada uu kulamada la qaatay waxaa ka mid ah Maraykanka, Sweden, Jarmalka iyo Canada.

Warbaahinta Jubbaland ayaa baahisay in kulamadan lagaga hadley xaalada Amni ee uu hadda dalku ku sugan yahay, Arrimaha Siyaasadda iyo Sidii loo sii ambaqaadi lahaa adeegyada horumarineed ee ay dowladahani ka taageeraana Jubbaland, Sidookalena lagawada shaqeeyo hoos u daadejinta maamulka si adeeg hufan loo wada gaarsiiyo bulshada gobolka.

Axmed Madoobe ayaa waxaa khilaaf adag uu kala dhexeeyaa dowlada Somalia, waxaana xeel dheerayaasha siyaasada ay rumeysan yihiin inuu isku dayayo beesha caalamka inuu ka dhaadhiciyo waxyaabaha keenay inuu xiriirka u jaro.