Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska oo kulan la yeeshay Lafta-gareen iyo Farriin ay soo gaarsiiyeen

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa galabta Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiiradda Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka u jooga Soomaaliya.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo Safiirada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa kulankooda uga hadlay arrimaha Doorashada iyo shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka oo la filayo inuu Muqdisho ka furmo.

Safiirada ayaa Madaxweynaha K/Galbeed soo gaarsiiyey farriin ah inuu ka qeyb galo shirka Wadatashiga ee uu ku baaqay Ra’iisal wasaare Rooble, iyo inuu qeyb ka nqodo siixitaanka Doorashada Glaha Shacabka oo khaladaad badan kasoo baxeen.

Lafta-gareen ayaa hore u qaadacay shirka Ra’iisal wasaaraha, isagoo sheegay inuu ka qeyb galayo shirka uu ku baaqay Farmaajo, kaasoo hadda meesha ka baxay.

Madaxweynaha K/Galbeed waxaa wehluyay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Agaasimaha Madaxtooyada maamulkaasi.