Safarkiii Marinka Gurdafuu ka dib, MW Deni oo u safraya dalka Imaaraadka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan ku wajahan magaalada Dubai ee dalka  Imaaraadka  Carabta. Safarka ayaan imaanaya ka dib markii uu safar indha indhayn uu ku tagan deegaanka loo yaqaano Gardafuu ee ku gadaaman Badda Xeebta Caluula.

Warar ayaa sheegaya in halkaas ay dowlada Imaaraadka Carabta ka dhigan doonto saldhig ciidan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo xaqiijiyay in Siciid Deni uu maalmaha soo socda u safrayo dalkaas Imaaraadka Carabta.

” Waa xaqiiq in Madaxweyne Deni uu dhawaan u safrayo halkaas iyo Dubai balse xog intaas ka baxsan nooma sheegin” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Madaxtooyada.