Xog Rasmi ah ayaa waxaa ay kasoo baxeeysaa booqasho agaasimaha Madaxtooyada Soomaliya Fahad Yaasiin uu ku tagey dalka Ethiopia isagoo safarkaas ay ku weheliyeen Wasiirka Arimaha dibada, Wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dibada iyo la taliyaha Madaxweyne Farmaajo dhinaca arimaha dibada.
Sida rsidaha Muqdisho Online ogaadey, safarka Fahad Yaasiin ayaa ahaa mid qarsoodi ah oo laga qariyey hay’adaha aminga dalka Ethiopia, isagoo ku dhex wafdiga waftiga Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmad Ciise Cawad.
Fahad Yaasiin ayaa wararka laga helayo booqashadiisa tibaaxayaan inuu isku qariyay xasaanada Wasiirka arimaha dibada, taasi oo markii la ogaaday ay hay’adaha amniga ee dalka Ethiopia aad uga caroodeen imaashihiisa Addis Ababa.
Xogta ayaa intaasi ku daraysa in Arinkaan wax laga waydiiyey Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya iyo Wasaarada arimaha dibada Ethiopia sida ay ku dhacdey in Fahad Yaasiin, uu qaab diblomaasi ahaan ku yimaado dalka.
Fahad ayaa la sheegay inuu ka faa’daystay xiriirka wanaagsan ee uu Wasiirka arimaha dibada Xukuumadda Federaalka, Axmad Ciise Cawad uu la leeyahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Eithiopia, taasi oo u sahashay inuu ku tago Addis Ababa.
“Booqashada Fahad Yaasiin ee Ethiopia waxay Ujeedkeedu ahaa sidii uu u haajin lahaa xiriirka uu la leeyahay hay’adaha amniga, Sirdoonka iyo taliska ciidamada Ethiopia, islamarkaana meesha uga saari lahaa fikirka ay ka aaminsanyihiin shaqsiyadiisa, sidaas waxaa Muqdisho Online u sheegey xogogaal ka warhaya arimahaan.
Hay’adaha amniga dowlada Ethiopia ayaa diidey la kulanka Fahad Yaasiin inta uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa, iyadoo warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan iney codsadeen inuu dalka si deg deg ah uga baxo.
Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya oo horey uga tirsanaan jirey ururada Islaamiga ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo intii uu noqdey ninka ugu awooda badan siyaasada Soomaaliya xilligan, ayaa raadinayey sidii uu u hagaajin lahaa xiriirka wadamada ku lugta leh la dagaalanka argagixisada caalamiga ah ee ka howlgasha Soomaaliya.
Sida aan ku helney wararka, Fahad Yaasiin ayaa inta uu joogey dalka Ethiopia kulan la qaatey saraakiil ka tirsan Wasaarada arimaha dibada wadankaasi, balse u suurtoobi waydey la kulanka madaxda sare ee ciidamada iyo Sirdoonka Ethiopia, kuwasoo gacanta ku haya sida loola macaamilayo ‘Siyaasada’ dalka Soomaaliya.
Hay’adaha aminga ee wadamada daneeya Soomaaliya ayaa ah kuwa gooya siyaasada arimaha dibada ee dalalkooda kuwasoo bixiya xogaha la xiriira sida dowladahaas ula dhaqamayaan dalkaan dagaaladu ka socdeen mudada ku dhow 30-ka sano.
Muqdisho Online ayaa fahansan in inta agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ku sugnaa Addis Ababa la kulmay xubno ay isku beel yihiin kuwasoo ku jira siyaasada Ethiopia, isagoo ka codsaday iney ka caawinaan sidii uu u hagaajin lahaa xiriirka uu la leeyahay hay’adaha amniga dalkaasi.
Agaasimaha Guud ee Villa Soomaaliya oo kamid ahaa dhalinyardii xubnaha ka aheyd ururada Islaamiga ee ka dagaalami jirey dalka Soomaaliya kuwasoo ciidamada Ethiopia kula dirirey Koonfurta Soomaaliya ayaa sida warsidahaan ogaadey ay ku adkaatey inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay dalka Ethiopia iyo kuwa reer Galbeedka ee Soomaaliya ka taageera xasilinta amniga.
Fahad Yaasiin ayaa ka dambeeyey xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo dalka Ethiopia, isagoo cadaawadii kooxaha Islaamiyiinta ah u qabeen dalka Ethiopia waqtigaan ku hogaamiya siyaasada Madaxtooyada Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale Fahad Yaasiin xiriir dhow uu la lahaa dalka Eritrea oo Ethiopia dagaalo dhexmareen.
Ra’iisal wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Axmed, ayaa la macaamilkiisa Soomaaliya ka duwan yahay mas’uulkii isaga horeeyey waxaana tan iyo inta uu xilkaan qabtey aan la kulmin Farmaajo oo qaab dhismeedka dowladeed ee dalkiisa ah dhigiisa.