Safarkii cajiibka ahaa – Collaada Beer-Doox ee Ceel-Afwayn.

Sheekadan argagax leh waxa inooga sheekayn doona Cabdi yare oo ka waramaya wixii  uu kala kulmay safarkii “Argagax” lahaa.

Saacadu waa abaaro 7:30 subaxnimo waana maalin khamiis ah, waxaan safar dheer u xidhxidhay shandadayda si dhakhso ah ayanan  uga baxay gurigeena. waxaan markaa xidhanahay “Surwaal dhuxuli ah iyo Shaadh buluug ah” waxaan qaaday wadadii igu dhawayd ee i gayn lahayd istaan-ka aan rabo inaan Gaadhiga  ka raaco.

Hadii aan cabiro dareen-kayga nafsi ahaan, oo aan ku  sharaxo aad ayaan u deganahay niyad ahaan iyo jawi ahaan,waana faraxsanahay madaama aan boqosho ku tagayo dhulkii ehelkay-ga. Waxan aan  so gaadhay goobta laga raaco baabuurta.

Markaan soo gaadhay gobta aad ayaan ula yaabay shacuurta meeshan ka jirta. waxaa gaadhiga dhinacyadiisa si teel-teel ah u fadhiya rag iyo dumar safar ah, waxaana  ii muuq-da dumar baroornaya ,qaar ooyaya ,qaar aad wajigooda ka dareemayso sawirka cabsida leh iyo qalbi jabkooda, waxaan aad ugu argagaxay inaan arko “hooyo 70jir”  oo ilmada  ka qubanayso labada indhood, ay  qooysay laabteeda mar way qaylinysaa, marna way hiq hiq leedahay oo waxad dareemi inay saacdo badan oohin ku soo dhaaftay.”alaah akbar” waxa la dillay wiilkeeda Xasan oo ahaa wiilka kaliya ee ay dunida ka eegnaysay. “waa dareen xanuun leh, markaad cimrido(gaboowdo) ee qofkaad jeclayd ee aad dhashay dunida ku waydo, sow ma cidloonaysid soow noloshu argagax ku noqon mayso”. Dabcan haa.

Waxa la yaab leh inan arkay gabdho kale oo walalahood ku waayay collaada “Beer-doox ” wajigood waxaad ka dareemi xaalada ay ku suganyihiin, labada indhoodna waa “xinjir dhiig” ah waa darreen diif iyo cabsi leh.

Bal waxaad dareenta qof kula dhashay oo walalka ah”  hadda waa walaalka oo aanad dib aduunyada korkeeda ugu arki doonin” wuxu kugu reebi karaa xusuuso murugo leh xiligii kugu danbaysay ilaa iyo xiligii dhalaanimadii.

Waxaa la yaab leh in goob-ta aan ku arkay wiil yar oo Gu’giisu  yahay 15 sano jir. Magaciisu waa Jamac oo wuu kududaa  (Fadhiyaa)  madax iyo ruggaga ayuu is  galiyay, hal cabaar ah oo aan ag fadhiyay kadib waxaan dareemay ama aaan fahmi karraa inuu qof ehelkiisa ah ku waayay Collada Beer-doox,waxanse isku dayay inaan waydiintayda ulla badheedho si aan u ogaado dhibtiisa sidan ayuuna hadalku noo dhex-maray

Aniga waxaan ku idhi!:

Walaal qalbiga adkayso oo samirka kaalmayso?

balse iima jawaabin.

Waxaanse waydiyay, walaal yaa dhintay? Cabaar kadib ayuu isaga oo neef kudinaya ilmo-na ka shalalax leedahay indho-hiisu oo ay kabo dhiig ah u eeg-yihiin ayuu eegmo argagax leh igu yidhi isagoo hiq leh walalakay “Yaxye” ayaa dhintay. waxay ahayd naxdin inuu wiil yar oo dunida ku cusub uu waayo garab-kiisu oo uu ciil iyo tiiraanyo dhulka guud-kiis la maro “ina rag ciil kama karro”  Ma aqaani waxa uu samayn doono balse waxan dareemi karraa inuu ninkani dunida nacay wakhtiggan  wuxuu doonana uu markan samayn karro, waayo wuxu noqday ciil qabe.

Waxaa la istaadhay gaadhiga oo uu noociisu yahay “Bas” waxaan la yaabay in gaadhigga marba qof la saarayey. Waxan- se kasii yaabay rakaab dhan oo wada ooyaya, waxanse kasii yaabay hadanna argagax gaadhiga gudohiisa ka jirra iyo dadkan aan gaadhiga la  saarnahay ee caruur iyo ciroobe wada “Ooyaya” oo aan marar badan ku fakaray inaan gaadhigan baas ee argagax leh iskaga dago.

Balse nin magaciisa igu sheegay Faarax ayaa igu yidhi: goob-tani maalin walba waa argagax waxaanad saarran-tahay gaadhi sii marraya magaladii argagax ee Ceel-afwayn. waxaad kale oo aad gaadhi la saarran-tahy dadkii argagxsanaa ee reer Ceel-afwayn wuxu yidhi “rakaabkani waa rakaabkii Geerida” subaxana alaah” ninkan iyo sheekadiisa ayaaban kasii argagaxay oo cabsi darteed  waxaan is idhiba  malaha waxaad gaadhiga la saarran-tahay ummad reer aakhireed ah.

Intii aan jidka ku jirnay oo roob badni helay wadada dheer ee u dhaxaysa Burco iyo Ceeri-gaabo mar ayaa gaadhiga Taayir” naga banjaray oo ay qaadatay in mudo ah in lagu haggaajiyo.

Balse markii danbe safarkeenna waan sii waddanay dhulkuna waa doog oo wuu qurux badanyahay lkn rakaab-kani ma qurux badana.

Markii aan soo gaadhnay jiida Ceel-afwayn waxaan dareemay dhul “abaar” ah oo laga qaxay , dhirtuna  ay qalashay, caws-kuna casaan yahay, waxad arkaysaa  siigo dheer oo dhulka ka kacaysa ,qoraxduna waa kullayl hanfi kulul ayaad dareemaysaa waxaad arkaysaa in dhulkani  la imtixaamay oo uu yahay dhulkii cuqubada  dad wada dhashay oo haddana is wada “Beer-dooxay”.

Waxay dileen Abti walaal.habarwadaag. inaabti. Xidi iyo xigaalba. Waana cuqubaddan maanta dhulka sidan u qalajisay.

Waxaa gaadhigu goor casar ah nala soo galay magaalo wayn oo hadana cidlo ah,waxaad dareemaysaa yoolka collaada. Waxa gaadhigu nala istaagay goob aan filayo inay “Hotel” ahayd dhismaha sida loo qurxiyay ee loo dhisay waad yaabaysaa!! hadana uu u noqday meel ay dameer-uhu galaan oo aan cidina isticmaalin nabadgalayo darraduna ay saamaysey kadib-na uu sidaa ku xidhmay.

Markaan xoogga yar soconay ayaa gaadhigii laga dagey, hadii aanu istaagnay ayaa waxa nagusoo ururay dad wada murugaysan. Hadii aad arki jirtay qof safar ah oo markuu dadkiisa u tago farxad lagu soo dhaweeyo tani waa nolol kale.waa qof ooyaya oo qof kale oo “Oohin” la tiicaya soo dhawaynaya waana  nolol argagax leh.

Waxaan caawiyay  gabadhan oo ilaa iyo burco ilaa halkan oohin ku soo qaadatay, waxaan la qaadnay aniga iyo wiil kale xoggaa alaabo ah oo ay sidatay. Waxaa hore loogu sheegay geerida walalkeed. Waxan tagney guri yar oo “buul” ah oo dad badni ku urursan-yihiin ,waan usoo dhawaanay guriga , waxa lagu uruursan-yahay waa hooyada gabadhan dhashay ee wiilkeeduna god galay oo biyo lagu rushaynaayo oo “koomo”  ku jirta Waxan la yaabay in gabadhii aan alaab-tu u sidnay  ay markaliya dhacday oo si aan naxriis la hayn dhulka uga soo go’day oo dabadeedna wajigeedu wada “dhiig”noqday qorraxdii  ayaa laga jiiday oo meel hadh ah ayaa la geeyay hada waa gabadhii safarka ahayd, hadii qof safar gurrigooda ku yimaado waxa lagu yaqaaney inuu farxad iyo hadyado la wadaago ehelkiisa lkn halkan waxa la wadagayaa waa oohin iyo miir-doorsan.

Aniguna waxa aan qaban karaa waa duco oo kaliya, waxan hoosta ka akhriayay duco aan alaah kaga baryaayo inuu collaada ka qaado ballad-kan  waxanan ducada kusoo xidhay.”Aayat Kursi” aan ku wakiishay alaah(SWC) Alaahu akbar.

Markaas ayaan naxdin meshii uga hulleelay aniga iyo wiilkii ila socday si aan uga carrarno dhulkan argagax leh, Waxaan arkaa oo meesha ka muuqda waa  jawi laga argagaxo dhulkani waa dhulkii  collaadaja Beer-doox. Magaaldani  oo kaliya ma ahee deegamadaasi oo dhami waa jiidi collaadaha.

Qoraalkani waa taxannaha aan ugu magac darray “Collaada Beer-doox”. Waana  sheekadii 3aad. Waxaad labada sheeko ee kale si fudud uga heli ama uga akhriyi kartaa “Google” Adigoo ku qoraya Ciwaanka sheekoyinkan ee ah. (Collaada Beer-doox).

Alaah nabad haka yeello Ceelafwayn hanna ka qaado dhibtada collaada ee haysta dadka  dhaleeyadda ah ee is dhalay, Rabi uu dhulka ku wada uummay.

Qoraalkan waxaan u qoray allaah dartiis iyo si ay wacyigalin ugu noqoto dhalinyarada barraha bulshada hadalka foosha xun kaga qoraya collaadah si aan u darreensino wadda dhalashad dadkaas.

Waxaan kaa codsanaynaa  inaad sheekadan Copy dhahdo oo lasii wadaagto asxaabtada Facebook ama WhatsApp madaama ay dadka wabsityada booq-da ay ka badanyihiin kuwa barraha bulshada isticmaala.

Wacyi-gallin Bulsho.

W/Q: Mustafe Axmed Geedi-xaas

Alaah mahad iska leh.

WhatsApp.0659555532

Facebook. Mustafa Ahmed Geedi 

Waxa Qoray. Mustafe Axmed M Geedi-xaas

 

mm
Faysal Ali Axmed (Alteeso)

Muqdisho Online - Xafiiska wararka ee Gobolka Banaadir. Waxaad nagala soo xiriir kartaa [email protected] ama twitter @muqdisho_online

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here